Xilibaanada Baarlamaanka dalka UK ayaa ku garab istaagay Ra’iisul Wasaare Boris Johnson qorshiisa ka bixitaanka Midowga Yurub marka lagaaro 31’ka bisha January.
Sharcigan ayaa waxaa u codeeyay 358 xilibaan halka ay kasoo hor jeesteen 234 xilibaan.
Sharciga ayaa sidoo kale mamnuucaya in waqti kale oo dheeraad ah lagu daro hanaanka ka bixitaanka Midowga Yurub.
Ra’iisul Wasaare Boris ayaa ku dooday in sharcigani u ogolaanayo in UK ay horay u socoto. Halka hogaamiyaha xisbiga mucaaradka Shaqaalaha Jemy Corbyn, uu isagana xilibaanada waydiistay in sharcigani aanan loo codeen isagoo usoo jeediyay dhaliilo badan. Waxaa xusid mudan in doorashadii dhawaan ka dhacday Britain ay guul wayn kasoo hooyeen xisbiga talada hayo ee Consevertive’ka kaas oo ku guulaystay aglabiyada kuraasta Baarlamaanka.