Shirka Maaliyadda Soomaaliya oo maanta ka furmaya Kismaayo

0

Magaalada Kismaayo ee Xarunta KMG ah ee dowlad Goboleedka Jubaland waxaa maanta ka furmaya shir looga hadlayo maaliyadda Soomaaliya.

Shirkan oo ay ka qeybgelayaan dhamaan Wasiirrada Maaliyadda dowlad Goboleedyada iyo wasiirka maaliyadda xukuumadda Soomaaliya ayaa looga hadlayaa xaaladda maaliyadeed ee Soomaaliya.

Dhamaan Wasiirrada maaliyadda ee dowlad Goboleedyada iyo dowladda Federaalka ah ayaa xalay ku hoyday Magaalada Kismaayo.

Iyada oo uu socdo qorshaha deyn cafinta Soomaaliya ayaa dowladda Federaalka ah waxaa ay dadaal ugu jirtaa mideynta Canshuuraha dalka.

Miisaaniyadda Soomaaliya ee sanadka 2020 ayaa aad uga badan tii 2019,waxaana dowladda inta badan miisaaniyaddeeda ku saleysay dakhliga gudaha dalka kaas oo ka dhalanaya Cashuur kordhin ay dowladdu sameyneyso.

Shirka Wasiirrada Maaliyadda ee maanta ka furmaya Magaalada Kismaayo ayaa noqonaya kii ugu horreeyay ee ay magaaladaas marti geliso kaddib doorashadii muranka dhalisay ee 22kii August ka dhacday Kismaayo.