Xal laga gaaray soodinta u dhaxeysa maamul Goboleedyada Hirshabeelle iyo Koofur Galbeed

0

Shir uu soo qaban qaabiyay Guddiga Madaxa Bannaan ee xudduudaha iyo Federaalka oo xal looga gaarayay Soodinta u dhaxeysa maamul Goboleedyada Hirshabeelle iyo Koofur Galbeed ayaa lagu soo gaba-gabeeyay Muqdisho.

Shirka oo socday Shan Cisho ayaa hal-ku dheg looga dhigay “kulanka isla eegidda iyo isla oggolaashaha aagga ay marto soohdinta u dhaxeysa Dowlad Goboleedyada Hirshabeelle iyo Koonfur Galbeed.

Dhinacyada ayaa isku weydaarsaday doodo iyo fikrado ku saabsan arrimaha Soohdin u sameynta Labada maamul, iyadoo ay isku Af-garteen dhammaan waxyaabahii laga hadlay oo ay ugu muhiimsanayd meesha uu kasoo billowdo iyo halka uu ku dhamaado xadka maamulladaasi, iyadoo la waafajinayo soodimihii ay astaysay Dowladdii dhexe.

Agaasimaha guud ee Wasaaradda arimaha gudaha Soomaaliya, Cali Cismaan Cadde , ayaa bogaadiyay Guddiga madaxa bannaan ee xudduudaha iyo federaalka iyo Labada maamul Goboleed , isagoo ku tilmaamay inay shaqo wanaagsan qabteen.

Guddoomiyaha Guddiga Madaxa Bannaan ee xuduudaha iyo Federaalka Soomaaliya, Khaliif Cabdikariin Maxamed, oo shirka soo xiray ayaa sheegay in soohdimaha ay ka mid yihiin aas-aaska Dowladnimo loona baahan yahay in si wada jira looga wada shaqeeyo