Wasiirka Dhalinyarada oo lagu eedeeyay dayacaad shaqo

0

Wasiir ku Xigeenka Wasaarada Dhalinyarada iyo Ciyaaraha ee Xukuumada Soomaaliya Xildhibaan Axmad Cumar Islow ayaa Warbaahinta usheegay in Wasiirad Khadiijo ay Caqabad ku tahay Horumarinta Ciyaaraha Dalka.

Waxa uu sidoo kale sheegay in halki ay Wasiirada qaban laheyd shaqooyinka Wasaarada ay taa badalkeeda Shaqa ka dhigatay Amaanta Reysul Wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Khayre.