SAWIRRO:-Safiirka Soomaaliya ee Dalka Zambia oo kulamo la yeelatay Diblomaasiyiin dhiggeeda ah

0

Safiirka Soomaaliya ee Dalka Zambia, Xaawo Xasan Maxamed ayaa kulan wada xaajood ah la yeelatey Madaxa Diplomaasiyiinta Ururka Jaamacada Carabta  ahna Safiirka  Sudan u fadhiya Zambia Danjire; Hussein Awad Ali iyo Safiirka South Africa u fadhiya Zambia Danjire GN Twala.

Kulanka Safiirrada ayaa waxaa looga hadlay iskaashaga Waddamada ay matalayaan iyo sidii xiriir iskaashi dhanka ganacsiga iyo wax wada qabsiga ah ay u yeelan lahaayeen.

Safiirka cusub ee Soomaaliya u joogta Zambia, Xaawa Xasan Maxamed ayaa sheegtey in ay ku dedaalayso arrimo la xiriira sidii ay Dalka Zambia gudahiisa shaqo abuur ugu sameyn lahayd Dhallinyarada Soomaaliyeed ee ku nool Dalkaasi