SAWIRRO:-Ciidamada Dowladda Oo Al-Shabaab Kala Wareegay Deegaano Ka Tirsan Jubadda Hoose

0

Howlgalgalkaan oo Ciidamada gaarka ah ee kumaandoosta Soomaaliya ee DANAB ayaa ka fuliyeen tuulooyin dhowr ah  oo ka tirsan gobolka Jubbadada hoose waxa ay kula wareegeen deegaano ay ku sugnayeen Al-shabaab.

Hawgalkaan oo uu hogaaminaayey Gaashaanle Xasan Aadan Ciraaqi ayaa waxaa saraakiisha ciidamadu ay sheegeen in ay kula wareegeen tuulooyinka Cabdi dhoore, Beerxaani iyo Haadwayne,oo hoostaga magaalada Kismaayo ee gobolka Jubbada hoose.

Taliyaha Uurka 5-aad qeybta 43aad ee Ciidamada Milatariga Soomaaliyeed Gaashaanle  Xasan Aadan Ciraaqi ayaa tilmaamay in dhammaan tuulooyinkaan  ay la wareegeen Alshabaab isla markaana ay haatan ay iyagu gacanta ku hayaan.

Isaga oo la hadlayey Shacabka ku nool tuulooyinka Ciidamada la wareegeen ayaa ka codsaday inay Ciidamada la Shaqeeyaan sidoo kalena howlgalka ka dhanka ah Al-Shabaab ay sii wadi doonaan ilaa iyo inta ay ka saarayaan tuulooyinka ay ku sugan yihiin.