Dowladda oo sheegtay in Howlgal lagu diley Xubno ka tirsan Al-Shabaab

0

Ciidamada Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa howl-gal ay ka sameeyeen Gobolka Jubbada Hoose waxaa la sheegay inay ku dileen Xubno ka tirsan Ururka Al-Shabaab.

War kasoo baxay Dowladda soomaaliya ayaa lagu sheegay in howlgalaldaas laga sameeyey deegaannada Kaban iyo Baar-Sanguuni,isl markaana ay dileen in ka badan 15 Xubnood oo ay ku jiraan Saraakiil ka tirsan Shabaab.

Sidoo kale dowladda waxaa ay sheegtay in weerarkaas uu ka dambeeyey,kadib markii la helay xog ku saabsan in Shabaab ay doonayaan inay weerar kusoo qaadaan Ciidamada dowladda Soomaaliya.

Hoos Ka Akhriso Qoraalka Dowladda Soomaaliya.