Dowladda Ethiopia oo hawada sare u dirtey dayax gacmeed

0

Dowlada Ethiopia ayaa markii ugu horeysay hawada sare u dirtey dayaxgacmeed casri ah.Dayax gacmeedkan oo laga direy dalka Shiinaha ayaa  munaasabadii lagu dirayay waxaa ay ka dhacday caasimada dalka Ethiopia ee Addis Ababa.

Xaflada laga daawanayay sidii loo dirayay dayax gacmeedkan ayaa waxaa ka daawanayay magaalada Addis Ababa ra’iisul wasaare ku xigeenka Itoobiya, Demeke Mekonnen, ra’iisul wasaarihii hore ee dalkaas, Hailemariam Desalegn iyo wasiiro.

Dowlada Ethiopia ayaa ku macneysay sababta ay ugu dirtey hawada sare dayax gacmeedka inuu yahay sidii ay ula socon lahayd cimilada iyo deegaanka iyo in uu gacan ka geysto horumarinta beeraha, macdanta, horumarinta magaalooyinka iyo sidii looga gaashaaman lahaa arrimo ay kamid yihiin abaaraha soo noqnoqday.