DHAGEYSO:-Wasiirka Arrimaha Gudaha JFS oo ka digay in muran la geliyo 20 Xildhibaan ee Ahlusunna

0

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha Xukuumadda Soomaaliya Cabdi Maxamed Sabriye ayaa sheegay in gebi ahaan la xaliyey tabashadii ay ka qabeen dhismaha Galmudug,isla markaana Baarlamaanka Galmudug laga siiyey 20 Xildhibaan lana ogeysiiyey Odayaasha Dhaqanka iyo Xubnaha Beesha Caalamka.

Waxa uu sheegay in culey badan uu ka dhashay dhismaha Galmudug loo dhan yahay,sidoo kalena ay adkaatay hirgelinta heshiisyo dhacay,waxaana Odayaasha saxiixayaasha Galmudug ayuu ugu baaqay in si toos ah Ahlusunna loo siiyo 20 Xildhibaan ee looga balan qaaday Baarlamaanka Cusub ee Galmudug.