DHAGEYSO:-Madaxweyne Waare oo ka digay dhibaato siyaasadeed oo ka dhasha doorashada Galmudug

0

Maxamed Cabdi Waare Madaxweynaha Dowlad goboleedka Hir-Shabeelle ayaa ka hadlay howlaha dhismaha Galmudug oo ay dowladda Soomaaliya ka wado Magaalada Dhuusamareeb,isaga oo ka digey in doorasho khalalaaso keenta ay ka dhacdo Galmudug.

Waare ayaa sheegay in waqti badan ay qaadatay in Maamul loo dhan yahay laga dhiso deegaannada Galmudug,hayeeshee ay muhiimn tahay in la dhiso doorasho loo dhan yahay oo aan dhibaato ka dhalan lana musuq maasuqin.