DHAGEYSO:- Halkee Marayaa Qorshaha Lagu soo Afjarayo Jabhada Kornayl Caarre Hogaamiyo?

0

Waxaa magaalada Ceerigaabo ee Xarunta gobolka Sanaag lagu soo dhoweeyay Ergooyinkii ku Howlanaa sidii xal Loogu heli lahaa Jabhada Kornayl Caarre iyo xukuumadda Somaliland.

Waxaa halkaasi siwayn ugu soo dhoweeyay Waxgaradka iyo Qaybaha kala duwan ee Bulshada deegaanka.

Qaar kamid ah gudiga Nabadaynta ayaa sheegay inay dhamays tiri doonaan Nabadda gobolka sanaag, “Qorigii waa la dhigay, Qalinka ayaa la qaatay, Soo dhowayntu waxay ka turjumaysaa sida reer sanaag Nabadda ugu Bislaadeen, Ceel-Afwayn soo xidhmaysaa, Tana waxaan filaynaa inay soo dhamaato”.

Ergooyinka ku Howlanaa Nabadaynta ayaa mudooyinkii dambe Hargeisa ugu sugnaa sidii Xal rasmiya looga gaadhi lahaa Jabhadda uu Hogaamiyo Kornayl Caarre.