DHAGEYSO:-Beesha Caalamka oo war kasoo saartay doorashada Soomaaliya

0

Beesha Caalamka ayaa Dowladda Soomaaliya u soo jeedisay in doorashadu ku dhacdo waqtigeeda 2020/21, iyadoo aan muddo kororsi dhicin.

Waxay soo jeediyeen qodobadan:

1 -Ixtiraamka Dastuurka

2- Hubinta in doorashooyinka federaalka la qabto waqtigii loogu talagalay dhammaadka 2020 iyo bilowga 2021, iyada oo aan muddo kordhin loo samayn xukuumadda iyo Baarlamaanka.

3-Hubinta matalaad caddaalad ah dhammaan bulshooyinka Soomaaliyeed;

4-U soo bandhigidda dadka Soomaaliyeed fursad ay si toos ah ugu doortaan wakiilkooda/metelehooda/Xildhibaankooda iyadoo la marayo hannaanka “hal qof, hal cod”;

5-Hubinta doorka xisbiyada siyaasadeed ee doorashooyinka;

6-Hubinta Qoondada Haweenka ee boqolkiiba 30-ka ah ee matalaadda Barlamaanka Federaalka;

7-In la fududeeyo ka qeybgal ballaadhan ee suuragalikara, oo ay ku jiraan Barakacayaasha, iyo

8-In la ixtiraamo waajibaadka Gudiga Madaxa-bannaan ee Doorashooyinka Qaranka.