AKHRISO:- Wasiirka Maaliyada DFS oo gaaray Kismaayo

0

Wafdi uu hogaaminayo wasiirka wasaaradda maaliyada DFS Mudane Cabdiraxmaan Ducaalle Bayle oo ay qeyb ka yihiin wasiirro ka socda dowlad goboleedyada dalka gaar ahaan wasaaradaha maaliyada ayaa soo gaaray magaalada Kismaayo.

Wasiirka wasaaradda maaliyadda Jubbaland Cabdirashiid Jire Qalinle iyo xubno kale oo gollaha wasiiradda Jubbaland ka tirsan ayaa si diiran garoonka diyaaradaha Kismaayo wafdigan ugu soo dhaweeyay.

Maalinta berri ah ayaa lagu wadaa in magaalada Kismaayo uu ka furmo shir looga hadlayo arrimaha maaliyadda Soomaaliya kaas oo ay dhammaan goob joog yihiin wasaaradaha maaliyada Dowlad Goboleedyada dalka iyo wasaaradda maaliyada DFS.