AKHRISO:- Odayaasha soo xulaya Baarlamaanka Galmudug oo la xareeyey

0

Guddiga farsamada iyo dhismaha galmudug ayaa xareeyey inta badan Odayaasha laga sugayo inay soo xulaan Baarlamaanka Cusub ee Dowlad goboleedka Galmudug.

Magaalada dhuusamareeb ee Caasimadda Galmudug waxaa xalay lagu qabtay munaasabad lagu soo dhaweynayey Odayaasha Saxiixayaasha Galmudug,isla markaana uu goobjoog ka ahaa Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha Soomaaliya Cabdi Maxamed Sabriye.

24 Dec ilaa 30 Dec ayaa la filayaa in Odayaasha soo gudbiyaan liiska Xildhibaanada,waxaana fadhiga ugu horeeya uu Baarlamaanka cusub yeelan doonaa 31 Dec oo ah maalinta dhaarinta Baarlamaanka Labaad ee Galmudug.

Wasiirka arrimaha Gudaha Soomaaliya ayaa Odayaasha Saxiixayaasha Galmudug waxaa uu uga digey in muran la gelyo 20 Xildhibaan ee Baarlamaanka Galmudug laga siinayo Ahlusunna.