Akhriso:-Dagaal ka dhacay deegaanka Buuraancad oo ku dhaw degmada Caabudwaaq

0
Meel Qiyaastii u jirta 40km magaalada caabudwaaq, ugana beegan dhanka Galbeed oo lagu magacaabo Booraancad waxaa ka dhacay dagaal u dhaxeeya ciidamada Liyuu booliska ee dawlad deegaanka Soomaalida Itoobiya, iyo dadka shacabka ah deegaanka.
Khasaaraha dhabta ah ee dagalkaas warar kala duwan ayaa ka soo baxaya, waxaana jira khasaare dhimasho iyo mid dhaawac oo ka dhashay dagaalkaasi.
Dad kala duwan oo aan la xidhiidhnay kuna sugan meelo aan ka fogayn deegaanka Booraancad ee dagaalku uu ka dhacay ayaa sheegay in ay jiraan inta la hubo dhimashada saddex ruux oo dadka deegaanka ah, dhaawucuna uu intaas ka badanyahay, hase ahaatee tirada dhimasho iyo midda dhaawac aad ayaa loo badinayaa.
La soco wixii soo kordha