AKHRISO:- Ciidamada Dowladda oo la wareegay deegaano dhowr ah

0

Ciidamada kumaandoosta Soomaaliya ee DANAB ayaa waxaa ay howlgallo ay kula wareegeen tuulooyin dhowr ah ka sameeyeen deegaano ka tirsan Gobolka Jubbada Hoose,halkaas oo ay ku sugnaayeen Xubno ka tirsan Al-Shabaab.

Hawgalkaan oo uu hogaaminaayey Gaashaanle Xasan Aadan Ciraaqi ayaa waxaa la sheegay in Ciidamada ay kula wareegeen tuulooyinka Cabdi dhoore, Beerxaani iyo Haadwayne,kuwaas oo dhamaantood hoostaga Magaalada Kismaayo ee Xarunta Gobolka Jubbada Hoose.

Taliyaha Uurka 5aad qeybta 43aad ee Ciidamada xooga dalka Soomaaliyeed
Gaashaanle Xasan Aadan Ciraaqi ayaa sheegay in tuulooyinka ay la wareegeen ay ku sugnaayeen Al-Shabaab cabasho dadka Shacabka ah uga timid ay howlgalkaas Ciidamadu u qaadeen.

Isaga oo la hadlayey Shacabka ku nool tuulooyinka Ciidamada la wareegeen ayaa ka codsaday inay Ciidamada la Shaqeeyaan sidoo kalena howlgalka ka dhanka ah Al-Shabaab ay sii wadi doonaan ilaa iyo inta ay ka saarayaan tuulooyinka ay ku sugan yihiin.

Si kastaba howlgalkaan ay Ciidamada Kumaandoosta Soomaaliya ka fuliyeen Gobolka Jubbada Hoose ayaa waxaa uu kusoo aadayaa xilli mararka qaar ay Al-Shabaab weeraro ka geystaan deegaano ka tirsan Gobolka Jubbada Hoose.