DHAGEYSO:-Xukuumadda Soomaaliya Oo Ka War Bixisay safarkii Ra’iisul Wasaaraha Ee Geneva

0

Wasiirka Qorsheynta xukuumadda federaalka Soomaaliya, mudane Jamaal Maxamd Xasan, oo qayb ka ah wafdiga R’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre hoggaaminayo ee Geneva maalmahaan ku sugnaa ayaa ka war bixiyay shirarkii kala duwanaa ee ay la yeesheen qaar kamid ah madaxda ka qeyb geleysay madasha Qaxootiga adduunka.

Jamaal Maxamd Xasan ayaa sheegay intii ay joogeen in Ra’iisul Wasaaruhu uu kulamo wax ku ool ah la qaatay madax ka socota wadamo kala duwan iyo madaxda hey’adda Qaxootiga adduunka.
Ra’iisul Wasaaraha ayaa khudbad ka jeediyay xiritaanka madasha qaxootiga adduunka oo markii ugu horreysay sannadkaan la qabtay loogana hadlay arrimaha qaxootiga ku nool dunida dacalladeeda.