DAAWO:-Jubaland oo walaac ka muujisay talaabo ay qaadey Dowladda Soomaaliya

0

adaxweynaha Dowlad Goboleedka Jubbaland Mudane Axmed Maxamed Islaam ayaa maanta shir gudoomiyay kulanka golaha Wasiirada.

Ugu horayn waxaa Madaxweynaha uu golaha uga warbixiyay Safar shaqo oo uu dhawaan ku tagay Dalka Kenya kaas oo la xiriiray iskaashiga dhinaca amaanka iyo kulamo uu halkaas kula yeeshay Safaaradaha iyo daneeyayaasha Arimaha Soomaaliya.

Madaxweyne ku xigeenka labaad ayaa ka warbixiyay sida loogu gurmaday dadka uu saameeyay fatahaada wabiga Juba iyadoo wali ay dadka qaar kaalmo dheeraad ah u baahan yihiin

Dhinaca kale Wasaarada Maaliyada ayaa soo bandhigtay warbixin la xiriirta Shaqooyinkii u danbeeyay ee ay qabatay gaar ahaan shirar lagaga hadlayay dayn cafinta Soomaaliya iyo shir ay yeelanayaan dhawaan Wasaaradaha Maaliyada dalka oo dhawaan lagu qabanayo Magaalada Kismaayo ee Caasimada KMG ah ee Jubbaland.

Wasaarada Dastuurka Jubbaland ayaa ka warbixisay aragtida Wasaarada ee hanaanka dhamaystirka dastuurka Federaalka ah iyadoo wasaaradu ay walaac ka muujisay sida aan Wali loo howlgalinin xubnahii Dowlad goboleedyadu ay ku lahayeen dhamaystirka dastuurka dalka kuwaas oo muhiim u ah in la helo dastuur loo dhan yahay oo dalka ka saara marxalada adag ee hada uu ku jiro.