AKHRISO:- Wafdi ka socda Dowladda oo ka qeyb-galay Shirka Heerka Wasiir ee Jaamacadda Carabta

0

Wasiirka Boostada, Isgaarsiinta iyo Teknolojiyadda Xukuumadda Soomaaliya Eng Cabdi Cashuur Xasan ayaa ka qeybgalay shirka Wasiirrada Isgaarsiinta iyo Tiknolojiyada ee Jaamacadda Carabta oo ka dhacay Magaalada Riyaad ee dalka Sacuudi Carabiya.

Shirka 23-aad ee Caadiga ah ee Wasiirrada Isgaarsiinta & Tiknolojiyadda Carbeed ayaa waxaa looga hadlay qodobo ay ka mid ahaayeen adkeynta xiriirka iskaashi ee dhinaca tiknolojiyada ah ee dalalka Carabta, iskaashiga Carabta iyo Shiinaha iyo horumarinta is-dhaafsiga aqooneed.

Sidoo kale waxaa shirka looga hadlay horumarinta iyo daahfurka dadaallo lagu dhiirigelinayo horumarinta tiknolojiyadda sida Madasha Maamulka Internetka, Tayenta Muxtawaha Carbeed ee Internetka.

Wasiirka Boostada Isgaarsiinta Mudane Eng. Cabdi Cashur ayaa waxa uu sidoo kale ka qeybgalay daahfurka Bayaanka Wadajirka ah ee dalalka Carabta ee ku aaddan dhisidda Bulsho Carbeed oo casri (dijitaal) ah, taas oo sal adag oo waara leh, kuna nool horumar iyo baraare joogta ah, iyo sidii loogu jiheyn lahaa xagga horumarka, bulsho, qof ahaan iyo guud ahaan dadka oo dhami ka wada faa’iideysan karaan si buuxda, uguna baraarugaan horumarkooda waara, islamarkaana u horumariyaan tayadooda nololeed, taas oo ku saleysan kuna qotonta ujeeddooyinka iyo Mabaadi’da Axdiga Jaamacadda Carabta.

Wafdiga Wasiirka ayaa sidoo kale ka qeybgalay caleemo-saarka Caasimadda Carbeed ee Digitalka ah ee sanadka 2020, taas oo sanad walba loo aqoonsan doono magaalo ka mid ah dalalka Jaamacadda Carabta.

Dhinaca kale Wafdiga Wasiirka ayaa waxa ay sidoo kale kulamo doceedyo la qaateen qaar ka mid ah dalalka Carbeed ee ka soo qeybgalay dalka, si gaar ah dalka Cuman kaas oo si gaar ah looga hadlay iskaashi dhinaca horumarinta kaabayaasha Isgaarsiinta ah iyo qodobo la xiriirra dhinaca ammaanka internetka.