Kongreska Mareykanka oo meel mariyay cafinta deymaha Soomaaliya

0

Dowladda Mareykanka ayaa Soomaaliya ka cafisay lacagihii ay ku laheyd ee deymaha. Waxaana arrintan ansixiyey aqalka Kongreska ee dalka Mareykanka, iyadoo qorshahaas ay horumuud ka ahayd xildhibaan Ilhan Cumar oo sheegtay inay ku guuleysteen in la cafiyo deymaha uu Mareykanku ku leeyahay Soomaaliya, arrintanna ay horseedi doonto in Soomaaliya horay u socoto oo gaarto barwaaqo.

“Waxaan aad ugu faraxsanahay in aan ku guuleysanay in la cafiyo deynta uu Mareykanka ku lahaa Soomaaliya, waxaa Soomaaliya lagu lahaa deymo aad u fara badan, taas oo dib u dhac ku keentay dhaqaalaha, malaayin qofna ay baahi ku noolaadaan. Arrintan wax saameyn ah kuma lahan Soomaaliya, balse waxay saameysay kumanaanka qof ee Soomaalida Mareykanka ee ku nool degmada la iga soo doorto, qoysasna ku leh gobolka”, ayay Ilhan Cumar ku tiri war qoraal ah oo ka soo baxay xafiiskeeda.

Waxay intaa raacisay in qorshahan deyn cafinta uu yahay tallaabo horay loo qaaday, ayna rajeyneyso in laga wada shaqeeyo Soomaaliya nabdoon oo dimuqraadi ah.

“Deyn cafinta waxay guul muhiim ah u tahay, ayna muujineysaa horumarka Dowladda Soomaaliya ay gaadhay dhowrkii sano ee lasoo dhaafay, mana ahan in tani loo arko arrin gebogebo ah, balse waa in loo arkaa bilawga xiriir diblomaasi oo horleh, waxaana jira waxyaaba badan oo la sameyn karo, si loo xoojiyo dimuqraadiyadda, ixtiraamka xuquuqda aadanaha iyo xirirka Dowladda dhexe iyo shacabka, Mareykankana door muhiim ah ayuu ka qaadan karaa arrintan”, ayay raacisay Ilhan.

Inkastoo aan la garaneyn tirada lacagata deynta ah Mareykanka uu ka cafiyay Soomaaliya ayaa haddana waxay tani guul muhiim ah u tahay dowladda federaalka Soomaaliya oo sanadihii dambe ku hawlaneyd qorshaha deyn cafinta.

Tallaabadan uu qaaday Mareykanka ayaa sidoo kale loo arkaa in ay horseedi doonto in dalal kale oo badanna ay cafiyana lacagihii deymaha ee ay ku lahaayeen Soomaaliya.

lacagaha deynta ee Soomaaliya lagu leeyahay ayaa ah kuwa ay ka tagtay dowladii dhexe ee bur burty, waxaana la sheegaa in sanad ba sandka ka dambeeya ay sii kordheyso.

Deymaha ayaa caqabad ku noqday dowladda federaalka Soomaaliya, maadama ay adag tahay in waxyaabo badan ay kala macaamisho hey’daha maaliyadeed ee caalamka, waxuuna Mareykanku mhiim u yahay qorshaha deyn cafinta Soomaaliya.