Faah Faahin Kasoo Baxeysa Dil Ka Dhacay Magaalada Dhuusamareeb

0

Wararka naga soo gaaraya Magaalada Dhuusamareeb ee Caasimadda Galmudug ayaa waxaa ay sheegayaan in halkaas lagu dilay Nin shacab ahaa kana mid ahaa dadka deegaanka.

Dilkaan oo ka dhacay Xaafad ka tirsan Dhuusamareeb ayaa waxaa Ninkaas u geystay Nin kale oo la dhashay, kaasi oo falka kadib goobta si deg deg ah ugu baxsaday.

Dadka deegaanka sheegay in dilka uu Nin kale ee walaalkiis ahaa u geystay uu ka dambeeyay, kadib markii labada Nin uu soo kala dhexgalay Khilaaf xoogan, iyadoona ugu dambeyn mid kamid ah la dilay.

Ciidamo ka tirsan kuwa  amniga Magaalada Dhuusamareeb ayaa xaafadaha kala duwan ee Magaalada ka wada howlgal lagu raadinayo ninkii ka dambeeyay Ninka walaalkiis la dhashay, kaasi oo baxsaday falka kadib.