Beesha Caalamka oo rajo xumo ka muujisay xal laga gaaro khilaafka Jubaland & DF

0

Beesha Caalamka ayaa rajo aan wanaagsaneyn ka muujisay in xal lagu dhameeyo khilaafka u dhaxeeya dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya iyo Maamul Goboleedka Jubaland.

War-saxaafadeed ay soo saartay Beesha Caalamka kaddib markii xubno ka socday ay shalay booqdeen Magaalada Kismaayo ayaa lagu sheegay in khilaafka dowladda dhexe iyo Jubaland uu qatar gelinayo xasillooni siyaasadeed oo ka dhalata Soomaaliya.

Sidoo kale waxaa lagu sheegay in iyada oo uu taaganyahay khilaafka dowladda Federaalka ah iyo Jubaland haddana aysan taas micnaheeda ahayn in laga tagayo xaqa uu Maamulka Jubaland iyo shacabkiisaba u leeyihiin kaalintooda siyaasadda Soomaaliya iyo doorashada qof iyo cod ee la qorsheynayo 2020ka.

War-saxaafadeedka ayaa looga cudurdaartay in aysan la kulmin qaar ka mid ah dadkii lagu casuumay kulanka Kismaayo ay wakiillada Beesha Caalamka kula yeesheen Madaxda Maamulka Jubaland ee uu hoggaamiyo Axmed Maxamed Islaam.

Wafdiga oo uu hoggaaminayay Ergeyga Qaramada Midoobey ee Soomaaliya James Swan waxaa wehliyay wakiillo ka socday Midowga Yurub, urur Goboleedka IGAD, Qaramada Midoobey iyo xubno kale.

Beesha Caalamka ayaa ku baaqday in dowladda Federaalka ah iyo dhamaan dowlad Goboleedyada ay ka shaqeeyaan sidii ay ku gaari lahaayeen xal kama dambeys ah oo la xiriira kala aragti duwanaantooda u dhaxeysa si loo gaaro hadafka Soomaaliya ee sanadka 2020.