Al-shabab oo sheegtay in 9 qof Kenyaan ah ku dishay duleedka Gaarisa

0

Dhaq dhaqaaqa AL-shabaab ayaa sheegay in  sagaal qof oo Kenyaan ah ay ku dileen degaan 53km u jira Magaalada Gaarisa.

War ka soo baxay AL-shabaab ayaa lagu sheegay in lagu dilay 9 qof oo aan Muslim ahayn kuwaas oo u shaqeynayay Xukuumadda Kenya.

Weerarka ayaa ka dhacay Tuulada Harbuul oo 53km u jirta Magaalada Gaarisa sida lagu sheegay warka ay soo saareen Al-shabaab.

Al-shabaab ma sheegin goorta uu weerarkan dhacay iyo dadka ay laayeen in ay sida ay ku qabteen.

Bishan billowgeedii ayey AL-shabaab 10 qof ku dileen duleedka Wajeer markii Bas ka baxay Nairobi ay dhexda u galeen.

Dadka ayey u kala saareen Muslimiin iyo kuwo aan Muslim ahayn waxaana ay halkaas ku dileen 8 ka mid ahaa saraakiisha Booliska Kenya, Dhaqtar iyo qof Rayid ahaa sida ay sheegtay dowladda Kenya.

Weerarkaas kaddib Madaxweynaha Kenya ayaa ku hanjabay in ay tallaabo ka qaadi doonaan AL-shabaab,waxaana ay dowladdu sheegtay in ninka hoggaaminayay weerarka hore uu ahaa Macalin degaanka ahaa oo dib uga biiray AL-shabaab.