AKHRISO:- Wufuud kusii qul quleysa Magaalada Baydhabo

0

Guddoomiye ku xigeenka 1-aad ee Golaha Shacabka Soomaaliya Mudane; Cabdiwali Ibraahim Sh, Muuddeey iyo wafdi Ballaaran oo uu hoggaaminayo ayaa Maanta Gaaray Magaalada Baydhabo.

Guddoomiyaha iyo wafdigiisa ayaa ka qeyb galaya xuska Sanad guurada 1-aad ee kasoo wareegatay markii la doortay Madaxweynaha Dowlad goboleedka Koonfur galbeed Mudane; Cabdi casiis Maxamed Xassan (Lafta gareen).

Xuska munaasabaddan oo ku beegan Berri oo ay Taariikhdu tahay 19ka Desembar ayaa lagu wadaa in ay sidoo kale ka qeyb galaan madax kale oo ka kala iman doonto maamul Goboleedyada iyo Caasimadda Dalka ee Muqdisho.

Sidoo kale saacadaha soo socda ayaa la filayaa in Magaalada Baydhabo ay gaaraan wufuud kale oo ay kamid yihiin Madaxda Dowlad goboleedyada ka jira dalka iyo Madax kale oo lagu casuumay.

Ammaanka Magaalada Baydhabo ayaa aad loo adkeeyey,waxaana laga dareemayaa u diyaar garoowga munaasada u dabaal-degida Sanadguurada koowaad ee markii la doortay Madaxweynaha Koonfur Galbeed.