AKHRISO:- Turkiga oo digniin kale u direy Mareykanka

0

Dowladda Turkiga ayaa ka digtay in tallaabo Mareykanka uu ku qadayo cunaqabateyn hub oo sanado badan saaran dalka Qubrus ay noqon doonto “halis xaaladda sii xumeysa.”

Congress-ka Mareykanka ayaa talaadadii u codeeyey in lasoo afjaro xayiraadda saran jasiiraddan oo loo soo rogay 1987-kii, si looga fogaado tartan dhinaca hubka ah.

Qubrus ayaa laba u kala qeybsaneyd tan iyo sanadii 1974-kii, markaasi oo Turkey ay qabsatay qeyb ka mid ah, ayada oo uga jawaabeysa afgambi uu ka dambeeyey taliskii militari ee Greece.

Go’aanka dowladda Mareykanka “ma yeelan doono natiijo aan ka ahayn inuu wiiqo dadaallada xasiloonida gobolka, iyo inuu abuuro halis halis darran” waxaa sidaas lagu yiri bayaan kasoo baxay wasaaradda arrimaha dibedda Turkey.

Tallaabada Mareykanka ayaa waxaa lagu ansixiyey ayada oo qeyb ka ah sharciga miisaaniyadda gaashaandhigga, oo ay ansixiyeen labada aqal ee congress-ka Mareykanka, islamarkaana la filayo in uu saxiixo madaxweyne Trump.