AKHRISO:- Bannaanbaxyo Xoogan Ka Socda Gudaha Mareykanka

0

Kumanaan ruuux ayaa isugu soo baxay gudaha dalka Mareykanka ,iyadoo xubnaha Aqalka Wakiilada ay u codeynayaan moshin xilka looga qaadayo Madaxweyne Donald Trump oo la tilmaamay in uu si xun u adeegsaday awooddii maamul ,isla mar4kaana uu carqaladeeyay howshii Golaha.

Bannaanbaxyadaan waxaa lagu kala qabtay Washington, DC, illaa magaalada New York iyo St Paul, (Minnesota) ilaa Phoenix, (Arizona), iyadoo la codsanayo in Trump xilka laga qaado ka dib kolkii lagu eedeeyay in uu heshiis ku saabsan xagga doorashooyinka soo socda la galay xukuumadda Ukraine.

Dibad-baxyada ayaa yimid,iyadoo xubnaha Aqalka Wakiilada ay isu diyaarinayaan codeynta 2-qodob oo kala ah ku takrifal awoodeed iyo carqaladeyn hosha Aqalkaasi,waxaana si weyn loo filayaa in ay codeyntu ay ka dhex muuqdo xisbiyada ku jira aqalka ay Dimoqraadiga maamusho.

Dimuqraadiyiinta ayaa ku eedeeyey Trump inuu cadaadis saaray xukumadda Yukreyn,si ay gacan uga geystaan dhaleeceynta Joe Biden oo u taagan xilka doorashada soo socota ee Mareykanka.

Trump ayaa dafiray in uu sameeyay wax qalad ah,isagoo maalintii shalay warqad xasaasi ah u diray afhayeenka aqalka Nancy Pelosi,kaas oo uu ku eedeeyey xisbiga Dimuqraadiga in ay wadaan afgambi.