Xaalad Nolol Xumo oo Laga soo sheegayo Degmada Ceelwaaq

0

Waxaa xaalad nolol xumo oo aad u liidata laga soo sheegayaa Degmada Ceelwaaq oo ka tirsan Gobolka Gedo.

Waxaa degmada ay go’doomiyay Alshabaab, waxaana ay ka xireen meelihii ay u soo mari lahayd maciishaddu, taasina waxaa ay saameeyn ku yeelatay dadka degaanka.

Guddoomiyaha degmada Ceelwaaq Sahal Mcalin Aadan ayaa sheegay in ay magaalada ka taagantahay xaalad nolol xumo oo aad u liidata, waxaana dhibaatadaas ugu wacan ayuu yiri guddoomiyuhu Alshabaab oo go’doomin ku haya degmada.

Waxaa sidoo kale uu sheegay guddoomiyuhu in degmadu aysan lahayn goroon diyaaradeed oo shacabka ku dhaqan degmadaasi ay adeegsadaan, waxaana hadba kor u sii kacaya maciishaddii maaddaama ay magaaladu tahay mid go’doonsan.

Sahal macalin ayaa ugu danbeyntii sheegay in dhibka ugu weyn ee haysta uu yahay dhanka caafimaadka oo dadka ku dhaqan degmadaas ay la daala dhacayaan xaalad caafimaad oo aad liidata iyo waxbarashadii oo gaabis uu galay, waxaana uu ku baaqay in si deg deg wax loogu qabto degmada oo ah haatan mid go’doonsan.