DHAGEYSO:-Wafdi uu hoggaaminayo James Swan oo ku wajahan Kismaayo

0

Wafdi ka socda Beesha Caalamka oo uu hoggaaminayo  Wakiilka Qaramada Midoobay u qaabilsan Arrimaha Soomaaliya James Swan ayaa la filayaa in ay maanta gaaraan magaalada Kismaayo ee xarunta kumeel gaarka ah ee maamulka Jubbaland.

Xubnahan ka socda Beesha Caalamka  ayaa doonaya in ay dadaallo ku bixiyaan xallinta tabashooyinka ka dhashay doorashadii ka dhacay magaalada kismaayo ee markale lagu doortay Axmed Madoobe.

Ammaanka magaalada kismaayo ayaa saakay aad loo adkeeyay, iyadoona wadooyinka lagu arkayo ciidamo aad u fara badan oo ka tirsan kuwa Jubbaland oo xaqiijinaya amniga  magaaladaasi.

Dadaalladan ay Beesha Caalamku ku doonayaan xalka Jubbaland ayaa ku soo aadaya xilli musharixiinta Jubbaland ay ka soo horjeesteen doorashada ka dhacday Magaalada Kismaayo.

Sidoo kale doorashada ka dhacday Kismaayo ayaa waxaa diiday dowladda soomaaliya, iyadoona sharci daro ku tilmaamtay doorashadaasi ee lagu doortay Axmed Madoobe.