Mareykanka Oo Faahfaahiyay Duqeyn Cusub Uu Ka Fuliyay Jubbada Dhexe

0

Taliska Ciidamada Mareykanka qaaradda Afrika ee loo yaqaano AFRICOM ayaa faah faahin ka bixiyay duqeyn diyaaradeed oo saacadihii la soo dhaafay uu ka fuliyay Gobolka Jubbada Dhexe.

War kasoo baxay AFRICOM ayaa waxaa lagu sheegay in duqeyn ay ka dhacday meel u dhow deegaanka Dujumma oo qiyaastii 6KM u jirta Magaalada Bu’aale ee Gobalka Jubbada Dhexe, isla markaana lagu dilay xubin ka tirsan Al-shabaab.

Sidoo kale ku-xigeenka Madaxa howlgalada Ciidamada Mareykanka ee Africa Gen. Bradford J. Gering ayaa waxaa uu tilmaamay in duqeynta ay iska kaashadeen Ciidanka dowladda iyo Mareykanka lagu dilay xubin ka tirsan Al-shabaab.

Dhinaca kale Mareykanka ayaa xaqiijiyey in aysan jirin waxyeelo soo gaartay dadka rayidka ah intii uu socday howlgalgalkaasi laga fuliyay meel u dhow deegaanka Dujumma ee hoostaga Magaalada Bu’aale ee Gobalka Jubbada Dhexe.

Mareykanka ayaa inta badan duqeyn dhinaca Cirka ka fuliyay deegaanada dalka ay uga sugan yihiin Al-shabaab, waxaana duqeymahaas ka dhasha Khasaarooyin kala duwan.