Guddoomiye Mursal iyo guddiga diyaarinta sharciga Doorashooyinka Qaranka oo kulan yeeshay

0

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Soomaaliya  Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan ayaa Magaalada muqdisho waxaa uu  kulan kula qaatay guddiga diyaarinta sharciga Doorashooyinka Qaranka oo ka kooban Xubno laga soo xulay Baarlamaanka Soomaaliya.

Guddoomiye Mursal ayaa waxa uu ka dhageystay Guddiga warbixin la xiriirta sharciga Doorashooyinka Qaranka Sidoo kale waxa uu Guddiga Guddoomiyaha faah faahin ka siiyay Akhrinta saddexaad ee sharciga oo uu guddigu ku howlanyahay soo diyaarintiisa.

Mudooyinkii ugu dambeeyay xildhibaanada golaha shacabka ayaa waxaa ay ka doodayeen sharciga doorashooyinka oo ay soo diyaareen guddiga diyaarinta sharciga Doorashooyinka Qaranka