Dowladda Soomaaliya oo ka hadashay duqeyn ka dhacday Dujuuma

0

Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa sheegtay in Ciidamadeeda iyo kuwa Mareykanka ay duqeyn ka geysteen Degmada Dujuuma ee Gobolka Jubada dhexe.

Sarkaal ka tirsan Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa Wargeyska Defense Post u sheegay in duqeynta lagu dilay sarkaal ka tirsan qeybta howlgallada Al-shabaab kaas oo uusan magaciisa sheegin.

“Ciidamadeena iyo kuwa Mareykanka ee AFRICOM oo iskaashanaya ayaa Isniintii duqeyn ku dilay sarkaalkaas” ayuu yiri sarkaalka la hadlay Wargeyska Defense Post.

Sidoo kale sarkaalka ayaa sheegay in uusan jirin qof rayid ah oo wax ku noqday duqeynta shalay Ciidamada Mareukanka ka fuliyeen Gobolka Jubada dhexe ee Soomaaliya.

Mareykanka ayaa dowladda Soomaaliya si weyn uga taageera amaanka,waxaa Soomaaliya ka jooga ciidamo gaaraya ilaa 500 oo Askari, kuwaas oo uu fadhigooda ugu weynyahay saldhigga Balli Doogle ee Gobolka Shabeellaha hoose.

Halkaas Ciidamada Mareykanka waxaa ay ku tababaraan Ciidamada DANAB ee Soomaaliya,waxaa kale oo halkaas ka qaadaan howlgallada dhulka ah ee ka dhanka ah Al-shabaab.