DHAGEYSO:-Ciidamada Amniga oo xabsiga dhigay guddoomiyaha Xisbiga Sheikh Muqtaar Roobow

0

Sida la sheegay ciidamo katirsan milatariga Soomaaliya gaar ahaan kuwa koofiya casta ayaa xabsiga u taxaabay gudoomiyaha  xisbiga amniga iyo cadaalada hogaamiyana uu ka yahay sheikh muqtaarow cali abuu mansuur oo dowladda Soomaaliya u xiran

Gudoomiyahaan ayaa la sheegay  in guri uu ka daganaa  dagmada waabari  ay kala baxeen ciidamo katirsan milatariga soomalaiya

Gudomiyaha xisnigaan ayaa lagu magacabaaa yuusuf xasan mursal

Xoghaya arimaha gudaha iyo xirirka gobolada  xisbiga amniga iyo cadalada dr maxamed ibraahim bilaal  oo lahadlay idaacada kulmiye  ayaa sidaan u sheegay knn.

Xariga loogeystay Gudoomiye yuusuf xasan mursal ayaa imanaaya iyadoo dhawaan uu shirjiraaid uu ku qabtay muqdisho uu ku dhaliilay dowladda soomalaiya waxana uu ugu baaqay in si deg deg ah ay xoriyadiisa u siiso hugaamiayaha xisbigaan sheikh muqtaar roobow dowladda soomaaliyana u xiran  mudo sanad ah