DEG DEG:- Madaxweynihii hore ee Pakistan oo xukun dila ah lagu riday

0

Madaxweynihii hore ee dalka Pakistan General Pervez Musharraf ayaa maanta maxkamad gaar ah waxaa ay ku xukuntay in la dilo ka dib markii lagu heley dambi ah khiyaano Qaran isagoo ka maqan dalka.

Musharraf ayaa lagu eedeeyay in 2007 uu dalka ku soo rogay xukun deg deg ah isla markaana joojiyay dastuurka dalka, isagoo ugu gol lahaa in uu dheereysto muddo xileedkiisa.

Sadex qaadi oo qaadaysay dacwadiisa ayaa ku heshay khiyaano Qaran oo aad u daran, dambiga maanta lagu heley ayaa hakad ku jirey tan iyo sanadkii 2013.

General Musharraf ayaa awooda Pakistan afgembi kula wareegay 1999 waxaana uu wadanka xukumayay laga soo bilaabo 2001 ilaa 2008.

Hadda waxaa uu ku sugan yahay dalka Imaaraadka Carabta halkaas oo dhowaan loogu ogolaaday in uu ugu baxo daaweyn caafimaad