DEG DEG: James Swan oo goordhow gaaray Kismaayo

0

Wafdi uu hoggaaminayo  Wakiilka Qaramada Midoobay u qaabilsan Arrimaha Soomaaliya James Swan ayaa goordhow gaaray  magaalada Kismaayo ee xarunta kumeel gaarka ah ee maamulka Jubbaland.

James Swan iyo wafdigiisa ayaa waxaa garoonka diyaaradaha magaalada kismaayo ku soo dhaweeyay masuuliyiin ka tisan maamulka Jubbaland iyo qeybaha kala duwan ee bulshada ku dhaqan magaaladaasi.

Xubnahan la socda James Swan ayaa doonaya in ay dadaallo ku bixiyaan xallinta tabashooyinka ka dhashay doorashadii ka dhacay magaalada kismaayo ee markale lagu doortay Axmed Madoobe.

Waxaa dib loo dhigay kullankii ururada bulshada rayidka soo jeedin ka timid wakiilka gaarka ah ee qaramada midoobay soomaliya James Swan, taasi badalkeeda oo uu dalbaday inuu kullankiisa ugu horeeyo la qaato madaxweyne Axmed Maxamed Islaaam ( Axmed Madoobe), waxaana haatan socda kullan ay albaabada u xiran yihiin oo u dhexeeyo wakiilka gaarka ee qaramada midoobay ee soomaaliya James Swan iyo madaxweynaha Jubbaland Axmed Maxamed Islaam ( Axmed Madoobe).

Ammaanka magaalada kismaayo ayaa saakay aad loo adkeeyay, iyadoona wadooyinka lagu arkayo ciidamo aad u fara badan oo ka tirsan kuwa Jubbaland oo xaqiijinaya amniga  magaaladaasi.