DAAWO:-Maxay ka wada hadleen Axmed Madoobe iyo James Swan

0

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam ayaa maanta Aqalka Martida ee Magaalada Kismaayo ku qaabilay wakiilka gaarka ah ee Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya James Swan Xubno ka socday Midowga Yurub Midowga Afrika iyo Urur Goboleedka IGAD waxaana ay labada dhinac ka wada hadleen Arimaha Doorashooyinka 2020 Khilaafka Dowlada Federaalka iyo Dowlad Goboleedyada iyo cafinta daynta lagu leeyahay Soomaaliya Dhamaystiria Dastuurka iyo qodobo kale.

Kulankan waxaa Madaxweynaha ku wehelinayay Madaxweyne kuxigeenka labaad Cabdiqaadir Xaaji Maxamuud iyo qaar kamid ah xubnaha golaha Wasiirada.

Madaxweynaha Jubbaland Axmed Maxamed Islaam ayaa ka hadlay dayn cafinta waxaana uu sheegay in ay ahmiyad weyn u leedahay guud ahaan shacabka Soomaaliyeed ayna ka shaqaynayaan sidii arintaas ay miro dhal u noqon lahayd balse ay lagama maarman tahay in shacabka Soomaaliyeed ay ogaadan qalabka daynta looga cafinayo dalkeena iyo wadooyinka loo marayo.

Madaxweynaha Jubbaland isagoo ka hadlayay dhamaystirka Dastuurka wuxuu sheegay in ay Dowlada Federaalku ka gaabisay in la dhamaystiro taas oo ay ka dhasheen khilaafyo ay ahayd in lagu dhex xaliyo dastuurka isla markana qaabka hada ay u socoto ayna ahayn sidii loo baahna iyadoo aan laga qaybgalin xubnahii Dowlad Goboleedyadu ay xaqa u lahayeen.

Arimaha Doorashooyinka 2020 ayuu sheegay in ay muhiim tahay in si wadajir ah looga shaqeeyo oo cid gaar ah aanay danaheeda ka dhex raadin si gaar ah wuxuu xusay in Doorasho qof iyo cod ah aanay dalka ka dhici karin iyadoo aan la samayn tiro koob sax ah Dhamaystirka Dastuurka Arimaha amaanka iyo wada hadalada Somaliland intaasna aan wali wax wanaagsan laga qaban oo saamaxaya in dadku ay codeeyaan, iyadoo amniga dalku uu meel adag marayo sidoo kalana ay muhiim tahay in nooca doorashada ay heshiis ka gaaran Dowlada Federaalka Dowladaha xubnaha ka ah iyo saamileeyda siyaasada dalka.

Khilaafka Dowlada Federaalka ah iyo Dowlad Goboleedyada ayuu sheegay in ay tahay caqabad weyn iyadoo wali Dowlada Federaalka ah ay wado faragalinta ay ku hayso Dowlad Goboleedyada dalka taas oo ay hada taagan tahay faragalinta qaawan ay ay ku hayso qaybo kamid ah Jubbaland gaar ahaan Gobolka Gedo.

Mar uu ka hadlayay Arrimaha Jubbaland ayuu tilmaamay in meel wanaagsan ay marayaan isla markaana wax badan laga qabtay sidii midnimada iyo wadajirka Bulshada loo adkayn lahaa taasoo dadka shacabka ah iyo Xukuumadda Jubbaland ay si wadajir ah uga shaqeeyeen isagoo xusay in fataahada wabiga Jubba ay meelo kamid ah Jubbaland saamayn ku yeesheen waxaana beesha caalamka uu ugu baaqay inay doorkooda ka qaatan gurmadka loo samaynayo dadka ay xaaladahaasi sameeyeen.

Wakiilka gaarka ah ee Qaramada Midoobay James Swan ayaa dhankiisa Madaxweynaha iyo Maamulka Jubbaland ku amaanay sida nabadgalyada leh ee ay wax u socdaan, isagoo tilmaamay in ay tahay wax lagu faano in wixii ka danbeeyay Doorashadii Madaxweynaha sida ayna u dhicin waxyaabo nabadgalyada wiiqi karay waxaa kale oo uu Wakiilku sheegay in Jubbaland ay kasoo baxday waxyaabahii looga baahna ee ay kaga qayb qadanayeen dayn cafinta Soomaaliya.

Waxaa kale oo uu intaas ku daray in Madaxweynaha ay ka wada hadleen hanaanka Doorashooyinka 2020 iyo dagaalka ka dhanka ah Argagixisada sidii loogu midoobi lahaa.

Dhinaca kale James Swan ayaa kula kulmay Xafiiska Qaramada Midoobey ee ku dhow Garoonka Diyaaradaha Kismaayo Xildhibaan C/rashiid Xidig oo ka mid ahaa xubnaha hormuudka u ahaa is bedel doonka Jubbaland ee ka soo horjeeda Axmed Madoobe.