DAAWO:-Faysal Waraabe “Muuse Biixi Wuxuu Somaliland ka dhigay Dukaan ay leeyihiin”

0

Gudoomiyaha Xibsiga UCID Faysal Cali Waraabe Oo Bixiyay Waraysi Bixiyey isagoo ku sugan Imaaraadka Carabta, ayaa ka hadlay go’aankii Gudiga Dhexdhexaadintu ay kasoo saareen Khilaafkii Xisbiyadda iyo Xukuumadda uu Muuse Biixi Hogaamiyo.

“Wixii la isku raaco ayaa Sharci ah, waxaanu ka shaqayn doonaa sidii loo howl gelin lahaa gudigii hore ee Doorashada, iyo in dalka laga daayo Muranka, Labadaas Sanno ee Muuse Xilka hayay  dalalkii dibadu Faraha ayay inaga qaadeen, gudihiina Jabhado ayaa ka dilaacay”. Ayuu yidhi Faysal Waraabe.

Wuxuu sheegay inaysan Jirin sabab loo odhan karo waa sharci Gudiga Cusub ee Doorashooyinka, Wuxuuna dhaliilo u jeediyey madaxwayne Biixi.