Al-shababa oo sheegatay in saddex Askari ku dishay Degmada Balcad

0

Dhaq dhaqaaqa Al-shabaab ayaa sheegtay in weerar ay ku qaadeen saaka degmada Balcad ee Gobolka Shabeellaha dhexe ay ku dileen saddex ka mid ah Ciidamada dowladda Soomaaliya.

War ka soo baxay AL-shabaab ayaa lagu sheegay in bar koontarool oo ku taalla magaalada ay Ciidan ka tirsan Al-shabaab weerar ku qaadeen saaka kuna dileen saddex Askari.

Warbaahinta taageerta AL-shabab ayaa sheegay in Ciidamada AL-shabaab ay sidoo kale goobta ka qaateen qaar ka mid ah Hubka Ciidamadii dowladda ee ku sugnaa Barta Koontarool ee degmada Balcad.

Sidoo kale Goobjoogayaal ku sugan Degmada Balcad ayaa u xaqiijiyay warbaahinta in dagaal uu saaka ka dhacay Bar Koontarool oo ku taalla Magaaladaas dagaalkana uu billowday markii laga baxay salaadda subax.

Maamulka Degmada Balcad iyo kan Hirshabeelle wali kama hadlin Ciidanka AL-shabaab ay sheegeen in saaka ay ku dileen degmada Balcad ee Gobolka Shabeellaha dhexe.