AKHRISO:- Taliye Ku-Xigeenka Ciidanka Xoogga Oo Gaaray Degmo Ka Tirsan Sh/Dhexe

0

Taliye Ku xigeenka Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliya S/guudto Maxamed Cali Bariise ayaa Booqday Fariisimaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliya ay ku leeyihiin Degaanka Xaaji Cali ee Hoostaga Degmada Cadale Gobolka Shabellada Dhaxe.

Taliye ku xigeenka ayaa Mid Mid u kormeeray Fariisimaha Ciidanka Xoogga Dalka ay ku leeyihiin degaanka Xaaji Cali, wuxuuna sidoo kale kulamo laqaatay odayaasha dhaqanka deeganka iyo Ciidanka macawiisleyda oo ladagaalama Maleyshiyaadka Al-shabaab.

Taliye ku xigeenka ciidanka xooga dalka sareeye guuto maxamed cali bariise waxa uu Saraakiisha Macawiisleeyda uu la kulmay uu kala hadlay sidii loo xoojin lahaa dagaalka naba-diidka looga saarayo Gobolka Shabellada ,gaar ahaan degaanada Hoostaga gobolkaasi.