AKHRISO:-Hay’adda lacagta adduunka ee IMF Oo War Cusub Ka Soo Saartay Soomaaliya

0

Hay’adda lacagta adduunka ee IMF ayaa sheegtay inay toddobaadka soo socda ka shaqeyn doonto sidii dhinacyada leh ay ku cafin lahaayeen deynta shanta bilyan ee dollar ah ee lagu leeyahay Soomaaliya.

Haddii sidaas ay dhacdo, ayay hay’adduu sheegtay, inay Soomaaliya ka caawin karto dib u dhis iyo dib usoo kabasho dhaqaale oo ay sameyso.

Hadalka IMF ayaa kusoo beegmaya ayadoo safiirka Mareykanka ee Soomaaliya Donald Yamamoto uu dhowaan sheegey inuu shaqada ka tagi doono haddii dowladdiisa aysan ka shaqeyn waddadii Soomaaliya looga cafin lahaa deynta.