Xildhibaano ka tirsan Laba aqal ee baarlamaanka Soomaaliya oo gaaray Dhuusamareeb

0

Magaalada Dhuusameraab  ee Caasimada Maamulka Galmudug ayaa waxaa gaarey Wafdi ka oscda labada Aqal ee Xildhibaannada Baarlamaanka Soomaaliya, iyada oo siwyen halkaasi loogu soo dhaweeyey.

Xildhibaannada Galabta gaaray Dhuusamareeb ayaa waxaa kamid ah Sanoter Cabdi Axmed Dhuxulow(Dhadheer), Senetar Yuusuf Geelle Ugaas,Xildhibaan Cabduweli Maxamed Qanyare,Nadiifo jaamac iyo Xildhibaan Xuseen Iidow.

Xubno ka tirsan Guddiga Farsamada Maamul u samaynta Galmudug,Maamulka Degmada, Odayaal dhaqameed iyo qaybaha kala duwan ee Bulshada Dhuusamareeb ayaa Xildhibaanadaan ku soo dhaweeyay Magaaladda caasimada ah Maamulka Galmudug.

Xubnahaan oo loo galbiyay gudaha Magaalada Dhuusamareeb ayaa durba caawa halkaasi ka bilaabay Kulamo ay la leeyihiin waxgaradka ku sugan magaalada iyo Guddiga Farsamada Maamulka Galmudug ee bartamaha Soomaaliya.

Wararka ayaa waxaa ay inatasi ku darayaan in u jeedka xildhibaanadaan ay Maanta u tageen Magaalada Dhuusamareeb ay tahay xulista xildhibaannada Cuusb ee Baarlamaanka Galmudug oo ka socda deegaannada Maamulkaas.

Magaalada Dhuusamareeb ayaa waxaa ka socda Xaraynta Odayaasha Saxiixayaasha Galmudug,xili dhawaan Xal laga gaaray Khilaafkii u dhexeeyay Hogaanka Ahlusunna Waljamaaca iyo Dowlada Faderaalka Soomaaliya.