Dagaal Sababay Dhimasho Iyo Dhaawac Oo Ka Socda Galgaduud

0

Wararka aan ka heleyno deegaanka Godinlabe ee duleedka Magaalada Cadaado ee Gobolka Galgaduud ayaa waxaa ay sheegayaan in halkaas uu ka socdo dagaal xoogan oo u dhexeeya Ciidamo ka tirsan kuwa Booliska dowladda iyo Maleeshiyo beeleed hubeysan.

Dagaalkan ayaa waxaa la sheegayaa inuu deegaanka Godinlabe ka socda ku dhawaad hal saac, isla markaana waxaa la isku adeegsadayaa hubka noocyadiisa kala duwan.

Dadka deegaanka ayaa kusoo waramaya in dagaalka u dhexeeya Ciidanka Booliska iyo Maleeyaadka deegaanka uu ka dhashay Khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac oo soo kala gaaray labada dhinac.

Ugu yaraan hal Askari oo ka tirsan Ciidanka Booliska ayaa ku geeriyooday dagaalka, halka 3 kalena ay ku dhaawacmeen oo laba ruux kamid ah ay yihiin Maleeshiyaadka, halka kan kalena uu ka tirsan yahay Ciidanka Booliska.