DAAWO:-Soomaaliland oo ka hadashay Jabhadda lagu dhawaaqay

0

Waxaa Magaalada Buuhoodle looga dhawaaqay Jabhad la Magac baxday SSC,kuwaas oo sheegay inay la dagaalami doonaan Ciidamada Soomaaliland ee ku sugan qyebo kamid ah Gobolada sool,Sanaag iyo Ceyn.

Soomaaliland ayaa ka jawaabtay ku dhawaaqista Jabahdaas,waxaana ay sheegeen in ku dhawaaqista jabhadaha ee dhawaanahaan kusoo batay deegaannada Gobolada Sool iyo Sanaah ay yihiin kuwo mashruuc ah.

Wasiirka Hawlaha Guud ee Soomaaliland Cabdirashiid Xaaji Ducaale Qambi ayaa sheegay inay la socdaan Jabhadaas looga dhawaaqay Magaalada Buuhoodle,isla markaana uu yahay mashruuc lacag lagu doonayo sida uu hadalka u dhigey.

Horay ayaa waxaa deegaano ka tirsan soomaaliland Jabhad uga dhawaaqay Korneyl Siciid Cawil Jaamac Caare,kuwaas oo dhowr mar weeraray saldhigyo ay ku sugan yihiin Ciidamada Soomaaliland.