DHAGEYSO:-Maamulka Puntland Oo Sheegay In ay Sameysaneyso Map Cusub

0

Wasiirka arrimaha gudaha Puntland, Maxamed Cabdiraxmaan Dhabancad ayaa sheegay in haatan ay wadaan qorshe uu maamulkaasi ku sameysanayo Map u gaar ah.

Dhabancad ayaa tilmaamay in hadda ay wadaan daraasad cusub oo la xariirta calaameynta sohdimaha Puntland.

Sidoo kale wuxuu hoosta ka xariiqay inay jiraan degmooyin badan oo ku soo biiray Puntland burburkii dowladdii kadib, sida uu hadalka u dhigay.