AKHRISO:- Eedeyn Culus Oo Loo Jeediyay Maamulka Gobolka Sh/Hoose

0

Waxaa isi soo taraysa cabashada ka imaanaysa bulshada ku nool degmada Afgooye ee gobolka Shabeellaha hoose kadib markii Wabiga Shabeelle fatahaad uu ka sameeyay qeybo badan oo ka mid ah degmada Afgooye.

Eedeymaha loo jedinayo maamulka waxaa ka mid ah in aysan ka warqabin xaaladda degmada Afgooye oo dadka qaarkood ay guryahoodii Biyo harqiyeen isla markaana aysan wax garab israag ah u muujin maadaama dhibaato adag ay haysato shacabka.

Dhinaca kalan xildhibaanad ka tirsan baarlamaanka ayaa iyadana eed culus kala dul dhacday maamulka gobolka Shabeellaha hoose iyo kan degmasa iyada oo sheegtay in dadka ay ku fiirsanayaan dhibta haysata.

Degmada Afgooye ayaa waxaa maalmihii la soo dhaafay fataahaad hor leh waxa ka geystay Wabiga Shabelle,iyada oo sawirro iyo muuqaalo la soo geliyay barasha Bulshasa guryaihii dadka qaar ay deganaayeen oo Biyo dhex galeen.