SAWIRRO:-Taliyaha ciidanka lugta oo Gaalkacyo ka wada kulamo xal loogu raadinayo colaadda G/Mudug

0

Taliyaha ciidanka lugta ee xoogga dalka S/guuto Cabdixamiid Maxamed Dirir oo Ku sugan magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug ayaa xalay Gaalkacyo kulamo kula yeeshay waxgaradka iyo siyaasiyiinta magaalada.

Kulamadaas ayaa waxaa qeyb ka ahaa Taliyaha qeybta 21-aad ee ciidanka xoogga dalka Gen. Cabdicasiis Cabdullaahi Qooje iyo Taliyaha guutada 15-aad ee qeybta 21aad Gen Mascuud Maxamed Warsame, kuwaas oo maalin ka hor iyaga iyo ciidamo ay hoggaaminayaan gaaray magaalada Gaalkacyo.

Taliyaasha ayaa wax garadka iyo siyaasiyiinta magaalada Gaalkacyo waxay kala hadleen sidii loo hakin lahaa colaadda ka loosan deegaanada Towfiiq iyo Af-Barwaaqo oo dhaca bariga gobolka Mudug, halkaas oo dagaal ay dad badani ku dhinteen uu ku dhex maray maalmihii la soo dhaafay.

Maanta ayaa lagu wadaa in taliyaashaas, siyaasiyiin iyo waxgarad ka soo kala jeeda beelaha dagaalamaya ay ka baxaan magaalada Gaalkacyo oo gaaraan deegaanada la isku hor fadhiyo ee Towfiiq iyo Af-Barwaaqo.