Faah faahinta weerarkii Hotel SYL

0

Ugu yaraan 10 qof ayaa la xaqiijiyay in ay ku dhinteen weerar xalay fiidkii lagu qaaday Hotelka SYL ee Magaalada Muqdisho.

Dadka dhintay ayaa isugu jira Ciidan, dad rayid ah, iyo dableydii weerarka ku qaadday Hotelka SYL ee Muqdisho kaas oo goor hore oo xalay ahayd la soo gaba gabeeyay.

Hay’adaha amaanka Soomaaliya ayaa sheegay in labo ka mid ah Ciidamada Amaanka, laba qof oo shacab ah iyo Garsoore ka tirsan Maxkamadda Gobolka Banaadir ay ku dhinteen weerarkaas.

Ciidamada amniga dowladda Soomaaliya ee howlgalka ka waday Hotelka SYL ayaa sheegay in shan ka mid ah raggii weerarka ku qaaday hoteelka la toogtay.

Afhayeenka Wasaaradda Warfaafinta Xukuumadda Soomaaliya Orojo, ayaa sheegay in dad ka badam 80 qof laga badbaadiyay Hotelka ciidamada amaankana ay toogteen kooxdii weerarka ku qaadday Hotelka SYL.

Taliye ku xigeenka Booliska Soomaaliya ayaa sheegtay in Ciidamada amaanka ee Muqdisho ka hor tageen weerarkaas.

Booliska Soomaaliya ayaa sheegay in 9 qof oo shacab ah iyo laba Askari uu dhaawac ka soo gaaray weerarkaas.

Al-shabaab oo dhinacooda war ka soo saaray weerarkaas ayaa sheegay in Ciidamadooda ay  ku dileen saraakiil ka mid ah dowladda Soomaaliya.