Faah Faahinno Ka Soo Baxaya Dagaal Ka Dhacay Qoryooley

0

Faah faahinno dheeraad ah ayaa ka soo baxaya dagaal u dhexeeyey Al-Shabaab iyo ciidamada dowladda oo xalay ka dhacay degmada Qoryooley ee gobolka Sh/Hoose

Dagaalka ayaa yimid, kadib markii dagaalyahanno ka tirsan Al-Shabaab ay weerar labo jiho ah ku qaadeen fariisin ciidamada dowladda ay ku leeyihiin degmadaasi.

Inta la xaqiijiyey waxaa weerarkaa ku dhaawacmay illaa labo qof oo kala ahaa gabar iyo hooyadeed, kuwaas oo agdhawaa meesha uu dagaalku ka dhacay.

Xaaladda ayaa saaka degan, basle ciidamada Milatariga ayaa howlgallo lagu baadi goobayey raggii ka dambeeyey weerarkaasi ka bilaabay degmada Qoryooley.