DHAGEYSO:Faysal Waraabe”Muuse Biixi Madaxwayne Nooma Noqon doono”

0

Xisbiyadda Mucaaridka Somaliland  ee Wadani iyo UCID oo maanta shir ku wada yeeshay Hargeisa, ayaa sheegay inaysan  Muuse Biixi madaxweyne noqon doonin haddii aanu doorashooyinka Wakiillada iyo Degaanka wakhtigoodii ku qaban.

Faysal Cali Waraabe oo u hadlay Xisbiyadda ayaa si adag uga Jawabay hadal kasoo yeedhay Madaxwyane Biixi oo sheegay  inuu dhowaan Shir la yeelan doono Labada Xisbi.

“Khudbadaha uu Jeediyo iyo  Ficilkiisu isku mid maaha,  Laba Sanno ayaanu doonaynay inuu doorasho qabto,  Hadii uu daacad ka yahay wuu Qaban lahaa,  wax badan ayaanu Tanaasul u samaynay”.

“Hadii aysan Doorasho dhicin Madaxwayne ma noqon doono Muuse, Runta ayaan idiin sheegayaa,  Tallaabooyin kale ayaan Qaadaynaa oo Kursiga aanu kusii haynin” Ayuu raaciyey hadalkiisa Faysal Cali Waraabe.

“Waxaan idin tusayaa inaanu daacad ahayn, Wuxuu dhaariyey Gudigii la isku haystay,  Wuxuu sameeyay Muddo Kordhin Baarlamaan,    Wuxuu Kaloo sameeyay Gudigii ayuu yidhi is doorta oo Weliba waxay doorteen Xubintii la isku haystay, Dhibaato aanu muuse ahayn kama jirto Somaliland, Wuxuu ka baxay Howshii loo doortay isagoo u jooga Muran” Ayuu yidhi Faysal Waraabe.