Dagaal Khasaaro Geystay Oo Ka Dhacay Gobolka Hiiraan

0

Ugu yaraan sadex qof ayaa ku dintay, kadib dagaal beeleed maanta ka dhacay deegaanka Jawiil, gobolka Hiiraan ee bartamaha Soomaaliya.

Dagaalka ayaa yimid, kaddib markii labada dhinac ay isku qabteen arrimo la xariira dhul-qaasimeed ku yaalla halkaasi.

Xaaladda ayaa weli kacsan, iyadoona haatan ay is hor fadhiyaan maleeshiyaadka labada dhinac ee diriraya.

Sidoo kale ma jirto cid kala dhexgashay labadaasi beel, waxaana dadka deegaanku ay cabsi ka muujinayaa in markale dagaal uu ka qarxo deegaanka Jawiil ee gobolka Hiiraan.