SAWIRRO:-Taliyaha Ciidanka Xoogga dalka oo booqday dhaawacyada ciidanka ee ku jira Isbitaalka Xoogga dalka

0

Taliyaha Ciidanka Xoogga dalka Sareeye Guuto Yuusuf Raage ayaa howlo kormeer ah maanta ku tagay Isbitaalka Xoogga dalka oo ay ku jiraan dhaawacyada qaar ka mid ah Ciidamada Xoogga oo waxyeelo ka soo gaartay iyagoo gudanaya waajibaadkooda Qaran.

Taliye Odawaa ayaa mid mid u xog-wareystay Bukaanada uu booqda si uu ugu kuur galo xaaladooda caafimaad.

Sidoo kale,Taliyaha Ciidanka Xoogga dalka ayaa kulan la qaatay maamulka Isbitaalka Xoogga dalka,wuxuuna balan qaaday in la xoojiyo daryeelka iyo daaweynta ciidamada ku soo dhaawacmay howlgalada lagula dagaalamayo argagixisada.